Kalinic Oo Guul Ku Hogaamiyey Ac Milan

Kooxda AC Milan ayaa ku khaarajisay 2-1 kooxda Udinese Axadii, kulan oo labada gool ee guushaba u saxeexay, laacibka ku cusub naadiga ee Nikola Kalinic oo xagaagii dhawaa uun ay kala soo wareegtay kooxda Fiorentina.

Laacibka reer Croatia, ayaa qabsaday jawigii geggida San Siro, kadib markii uu birta ka jaray bilowgii ciyaartaba, wuxuu ku xigsiiyey inuu shabaqa ku shubo kubad uu ka caawiyey Davide Calabria.

 

Laakiin, Kevin Lasagna ayaa si dhakhso ah goolka barbar dhaca ugu saxeexay naadigiisa Udinese – mase noqon mid ka hor istaaga in Kalinic uu mar kale goolkii bed-baadada u xareeyo naadiga lagu naanayso Rossoneri hogaanka ciyaartana dib ugu soo celiyo, sababna u noqdo in kooxda Udinese la carawdo guuldaradii saddexaad ee afartii kulan ee u horeeyey horyaalka.

Ac Milan ayaa ku soo gashay garoonka hanaanka 3-5-2 kaas oo ay sidan oo kale ugaga badisay horyaalka Europe League, ciyaartii Austria Vienna todobaadkii tagay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

SSC Napoli vs Benevento Calcio 6-0 All Goals & Highlights Serie A

Manchester United 4-0 Everton – Xasuuqii Rooney Kala Kulmay Old Trafford

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com