Weeraryahanka Arsenal ee Olivier Giroud ayaa gool uu xili dambe dhaliyey kagala baxsaday Gunners kooxda West Brom, Kuna soo af jaray labadii ciyaarood ee bilaa guusha ahaa horyaalka Premier League.


Giroud ayaa kulankiisii koobaad ee horyaalka safanayay xili ciyaareedkan, waxaanu daqiiqadii 86 aad madaxa ku qaboojiyey oo shabaqa ku ruxay kubbad uu soo jebiyey laacibka Mesut Ozil.

Ilaa xiligaas laga soo gaadhayayna, naadiga lagu naanayso ‘Gunners’ waxay ahaayeen kuwo ku raaxaysanayay gacan ku haynta kubadda 80% , laakiin la ildaran inay helaan jidka goolka uu horjoogaha ka ahaa goolwade Ben Foster.

Dhawr kubaddood oo halis ayuu ka badbaadiyey, oo ay ku jiraan labadii u darnaa oo, mid uu Alex Iwobi soo ganay, ta kale ee uu ku guntadayna waxaa ku celiyey kubad ka soo boodo ah Alexis Sanchez.


Wax kasta oo uu sameyn karayay goolwadahan hore ee xulka England, waxaa soo af jaray Giroud oo aakhirkii kubbad madax ah daba mariyey, Arsenalna ay ku heshay sagaal dhibcood inay soo daba fadhiisato kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Chelsea, oo iyaduna karbaashtay Bournemouth.