New York Knicks Oo Wakhtigii Dheeraadka Ahaa Ku Garaacday Atlanta Hawks

Dennis Schroder oo 27 dhibcood u dhaliyey iyo Dwight Howard oo 16 kale ku daray ayaa u quus-gooyey kooxda Atlanta Hawks oo guul-isbdidda qaybta labaad ee ciyaar xalay ku dhex martay waddanka Maraykanka, waxaana farxad la hoyatay New York Knicks.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa waxa gacanta sare lahayd New York oo ku badisay 25 dhibcood iyo Hawks oo la timid 22 dhibcood, laakiin qaybta dambe ayay  Hawks dardar garoonka la soo gashay iyadoo guushu ku raacday 23 dhibcood iyo 22 ay la timid Knicks.

Qaybta saddexaad ee ciyaarta ayaa waxa guusha halkii ka sii wadday Altanta Hawks oo 20 dhibcood ku shubtay goolka Knicks oo iyaduna xoogsatay 19 dhibcood.

Qaybta afraad waxa markii saddexaad guuleysatay Atlanta, hase yeeshee isugeyn dhibcaha ay koox walba la timid ayaa waxay noqdeen 85-85, taasina waxay khasab ka dhigtay in wakhti dheeri ah lagu maadaama dhibcahoodu barbar-dhac ay yihiin.

Wakhtiga dheeriga ah ayaa waxa guusha sidii usii wadday Atlanta oo dhashatay 17 dhibcood iyo New York oo urursatay 13 dhibcood.

Aakhirkii waxay labada kooxood ku kala baxeen 102 dhibcood oo ay guushu ku raacday Atlanta Hawks, halka New York Knicks ay niyad jab kula baxday 98 dhibcood.

Dhibcihii shanta qaybood oo kooban

Qaybta 1aad Qaybta 2aad Qaybta 3aad Qaybta 4aad Wakhti dheeri ah Total
New York Knicks 25 22 19 19 13 98
Atlanta Hawks 22 23 20 20 17 102

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tottenham Oo Wakhti Dambe Garaacday Southampton Iyo Kane Oo Khasaariyey Rikoodhe

Daawo: Chicago Bulls Oo Ka Guuleysatay Brooklyn Nets

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com