11:42 pm - Thursday July 27, 2017

Atletico Madrid Oo Ciyaartii Qarniga Ku Qaabishay Bayern Munich, Guulna Gaadhay

Aidarous

bayern-atletico

Ciyaar aad loo wada sugayey oo garoonka Calderon ku dhex martay labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Bayern Munich ayaa ku dhamaatay natiijo ka farxisay Simeone, halka Ancelotti uu murugo kaga baxay.

Atletico Madrid oo qaybta horeba orod iyo xafiiltan xagxagasho ku ladhan tahay ku qaabilay ciyaarta ayaa waxa gool u dhaliyey daqiiqaddii 35aad,  Yannick Ferreira-Carrasco, waxaana lagu kala nastay 1-0 ay Atletico leedahay.

Markii la isugu soo noqday qaybta dambe, Bayern isku dayo badan iyo in ay ciyaarta maamusho ba way u suurtogaleen inay goolkaas ka daba timaaddo, waxaase nasiib wacan u ahayd in Atletico ay iska khasaarisay rikoodhe.

Hormada ay labadan kooxood ku wada jiraan oo ah D, ayaa waxa ku wehelinaya FC Rostov iyo PSV Eindhoven oo ku kala baxay barbarro 2-2 ah.

Atletico Madrid ayaa groupkan hoggaaminaysa oo leh 6 dhibcood, Bayern Munich 3 dhibcood ayey haysataa, halka PSV iyo FC Rostov ay leeyihiin min hal dhibic.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Celtic Oo Lugaha Isaga Duubtay Manchester City Iyo Barcelona Oo Dirqi Ku Dhaaftay Monchengladbach

Muxu Tobabare Jose Mourinho Kaga Hadlay Ciyaartoydda Juan Mata iyo Wayne Rooney Kulanka Europa League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: