3:03 pm - Thursday August 23, 8706

Xulka Qaranka Brazil Oo Ku Tuntay Australia

Abdiwahab Ahmed
Diego Souza

Xulka qaranka Brazil ayaa 4-0 ku derderay Australia, oo ay ciyaar saaxiibtinimo ku yeesheen garoonka weyn ee Melbourne Cricket Ground, kaas oo ay dad aad u tiro badan ku sugnaayeen.

Ciyaartan oo ahayd mid saaxiibtinimo, ayaa waxa uu tababaraha Brazil ee Tite kabtan u doortay laacibka Liverpool ee Philippe Coutinho, waxaana ciyaarta oo socta 12 ilbidhiqsi oo kaliya goolka koowaad heshay Brazil oo uu u dhaliyey Diego Souza oo ahaa xiddig cusub oo usoo baxay qaranka Brazil, isla markaana saddexley ku aamusiiyey waddanka Australia.

Diego Souza

Isla markii ay kubbaddu bilaabantay, Bailey Wright oo difaaca uga ciyaara Australia ayaa kubbad hadiyad ah gacanta ka geliyey Guiliano kaas oo isna kubbadda goolka hortiisa ugu keenay Souza, halkaa soo uu ka dhashay goolka koowaad oo 12 ilbidhiqsi ay ku qaadatay Brazil inay u damaashaaddo.

Diego Souza

Brazil oo ay u ciyaarayeen xiddigaheeda waaweyn sida David Luiz, Philippe Coutinho oo kabtanka ahaa, Douglas Costa iyo Alex Sandro, ayaa iyagoo ku sugan ciidda waddanka Australia, waxay marba dhinac kubadda kaga keenayeen ciyaartoyga Australia oo iska caabbiyi kari waayey, waxaana goolka labaad u dhaliyey Brazil difaaca PSG ee Thiago Silva. Saison ayaa goolka saddexaad ku daray daqiiqaddii 75aad ka hor intii aanu Souza goolka afraad raacinin daqiiqaddii 93aad ee dhamaadka ciyaarta.

Ciyaartoygii u saftay labada waddan

Australia: Langerak, Wright, Sainsbury, Degenek, Milligan, Luongo, Leckie, Kruse, Troisi, Behich, Cahill.

Brazil: Alves, Rafinha, Silva, Caio, Sandro, Luiz, Paulinho, Coutinho, Giuliano, Souza, Costa.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Usain Bolt Oo Qiiro Iyo Guul Ku Macasalaameeyey Dunida Orodada

Brazil Oo Garaacday Australia, Countinho Oo Kabtan Noqday Iyo Xiddig Cusub Oo Usoo Baxay Dalkaas

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: