MSN Oo Cashar U Dhigtay Kooxda Horyaalka Ku Cusub Ee Leganes +Video Highlights

Qaab ciyaareed bahdilaad ah oo ay soo bandhigeen xidigaha MSN ayaa u suurto galiyey Barcelona inay ku xasuuqdo 5-1 kooxda taagta daran ee Leganes galabnimadii Sabti, ciyaar ka dhacday geggida Estadio Municipal de Butarque.

barcelona-5-1

 

Lionel Messi, Luis Suárez iyo Neymar ayaa dhamaantood gool dhaliyey qaybtii hore ee ciyaartaba, iyadoo uu Messi mid kale ku sii daray halka Rafinha uu ka shanaad magaciisa ku xardhay qaybtii dambe ee kulankan ay ku amar ku taaglaysay kooxda lagu naanayso the Catalonians.

Si aan lamid ahayn sida kooxaha jecel inay Barcelona dib uga fadhiistaan oo kubbad difaac adag ku dhisan ah la ciyaaraan, naadiga Leganes waxay qaateen go’aan geesinimo ku dheehan tahay, waxaanay ku bilaabeen ciyaarta weerar ay iyagu ku gacan sareeyaan. Kooxda loo martida ahaana waxay muujisay awoodaas, laakiin Barcelona tayadeeda weerarada deg-dega ah ku dhisnaa ayaa biyo qabow ku shubay fikirkii kooxda khibradu ku yarayd, waxaanay gebi ahaanba kubbadu u gacan gashay oo ay dhamaystireen xidigaha Barca, qaybtii hore ee kulanka.

Si kastabase ha ahaatee, markaad ka eegto dhinaca koox, markii ugu horeysay ka qayb galaysa horyaalka heerka koobaad ee La Liga, ciyaaraysayna kulankii koobaad abid ee horyaal ah ee ay Barcelona la yeelato, qaab ciyaareedkeeda dhaliil badan kuma keenaysid. Halka Barcelonana, ay dareemayeen kalsooni ah inay ku soo noqdeen gool dhalintii lagu yiqiinay, xili kulankii u dambeeyey ee horyaalka ay dhirbaaxo kala kulmeen kooxda yar ee Alaves todobaad uun ka hor.

Daawo Goolashi Ciyaarta Oo Dhamaystiran

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaaraha Maanta Iyo Caawa Tooska looga daawan Doono Cadalool

Bayern Munich Oo Guul Ka Daba Keen Ah Ku Dhaaftay Ingolstadt

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com