Bayern Munich Oo Iska Reebtay Dortmund 4 Dhibcoodna Hogaanka Ku Qabatay

Bayern Munich ayaa ku casharisay 3-1 naadigii ugu soo dhawaa hogaanka ee  Borussia Dortmund si ay afar dhibcood oo nadiif ah ugu qabato hogaaminta horyaalka Bundesliga.

Arjen Robben ayaa ku shubay shabaqa kubad qurux badan gacanta saree e ciyaartana ugu gacan galiyey naadigiisa ka hor intii aanu kubad cidhib ah shabaqa dhex dhigin Robert Lewandowski ciyaartana kaga dhigin 2-0 isla qaybtii hore.

Difaacyahan David Alaba ayaa raaciyey goolka saddexaad ee Bayern Munich.

Kooxda hadda kaalinta saddexaad fadhida ee Dortmund, oo bedel ku soo galisay Jadon Sancho, xili dambe gool ay dhalisay oo uu u saxeexay Marc Bartra ayaa ahaa fursada kaliya ee ay ka faa’iidaysatay kubado badan oo ay iska khasaarisay kadib, waxaanay ku dhaadhacday lix dhibcood inay daba fadhiisato Bayern.

Kooxda Bayern – oo ku raad joogta sidii ay ugu guuleysan lahayd horyaalka Bundesliga markii lixaad oo xidhiidh ah – ayaa badisay lix kulan barbar dhacna gashay laba jeer, tan iyo guuldaradii lama filaanka ahayd ee Hoffenheim ku dhirbaaxday 2-0 bishii September 9 keedii.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

West Ham United vs Liverpool 1-4 — Highlights & All Goals

Liverpool Oo Culayska Ku Kordhisay Tabbobare Bilic

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com