10:26 am - Sunday June 25, 2017

Manchester City Oo Dhibic Dirqi Ah Ka Boobtay Monchengladbach, Una Gudubtay Wareegga 16-ka

Aidarous

man-city-vs-monchengladbach

Gool u dhaliyey David Silva ayey Manchester City ku heshay dhibic ay ka koobtay Borussia Monchengladbach, una diray wareegga 16-ka ee tartanka Champions League.

Ciyaar aad u adkayd ayey Monchengladbach ku qaabisay Man City oo ay marigelisay, waxaana goolka furitaanka bilowday kooxda Jarmalka ah ee Gladbach oo uu laacibka Raffael u dhaliyey gool uu ka toogtay meel ka fog 15 yard goolka uu dhex taagnaa Claudio Bravo oo indhihiisa oo shan ah shabaqiisu la ruxmay kubbada xoogga badan ee dhex gashay. Laakiin David Silva ayaa ahaa shimbirka loosoo diray City ee u horseeday in ay dhashato goolka, markii uu lugta raaciyey kubbad uu ka helay Kevin de Bruyne, sidaana ay ciyaartu ku noqotay 1-1.

Qaybta dambe, waxa kaadhka cas loo taagay laba ciyaartoy oo labada kooxood ah, waxaana bilowga qaybta dambeba kaadhkii labaad oo huruud ah gadhka laga geliyey Lars Stindl oo difaaca uga ciyaara Monchengladbach, cabbaar kaddibna tirada ciyaartoyga labada kooxood garoonka ugu jiray way sinmeen markii sidaas oo kale Fernandinho uu shaadhka jiitay Raffael, kaadh casna lagu abaalmariyey.

Labada kooxoodba fursado badan ayey sameeyeen, dedaalkooduna ma yarayn, hase yeeshee, ciyaartu waxay dhaafi weyday natiijo ah 1-1, taas oo Manchester City u ogolaatay in ay yeelato 8 dhibcood oo ay ku eryato Barcelona oo groupkan C ku hoggaaminaysa 12 dhibcood. Monchengladbach waxay iska xaadirisay Europa League waxaanay leedahay 5 dhibcood, laakiin Celtic oo ahayd kooxda afraad ayaa iska hoyan doonta, waxaanay haysataa laba dhibcood oo kaliya.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Messi Oo Ku Goolal Tirsaday Celtic, Una Diiday Inay Ciyaaraan Tartanka Europa League

prev-next.jpg

Wenger: “Arsenal Way Ilowday Sidii Loo Guuleysanayey”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: