Arsenal Oo Wakhti Daayacii Dhibic Ka Boobtay Bournemouth

Oliver Giroud ayaa ka caawiyey Arsenal inay dhibic khasab kaga qaadato Bournemouth oo daqiiqadihii u horreeyey ciyaartaba saddex gool oo daran doorri ah kaga nixisay Arsenal iyo da’ yarteeda kubbad isku dhiibka badan.

Daqiiqadihii 16aad iyo 21aad ayey laba gool u kala dhaliyeen Charlie Daniels iyo Callum Wilson kooxda Bournemouth, waxaanay qaybta hore ku dhamaatay 2-0, laakiin markii la isugu soo noqday qaybta labaad ee ay maraysay daqiiqaddii 58aad ayey mar kale Bournemouth hoggaanka sii dheeraysatay oo ciyaarta ka dhigtay 3-0, waxaana goolkaas u saxeexay laacibka Ryan Fraser oo aakhirkiina casaan lagaga saaray garoonka.

Bournemouth ayaa heshay fursad ay ciyaarta kaga dhigi karaysay 4-0, laakiin nasiibka ayaan u saamixin, waxaase intaa kaddib bilaabmay wakhtigii Arsenal, waxaana goolasha u bilaabay Alexis Sanchez iyo Lucas Perez oo dhaliyey laba gool oo shan daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen iyagoo kaalmo ka helaya Giroud oo labada goolba ka shaqeeyey.

Oliver Giroud ayaa dhibicda ka farxisay Arsenal u keenay wakhti daayacii lagu daray ciyaarta, markaas oo kubbad dhexda laga soo qaaday uu dhex dhigay shabaqa Bournemouth oo uu waardiye ka ahaa Artur Boruc.

Guushan ayaa Arsenal ay ku heshay 40 dhibcood iyo booska afraad, laakiin waxay Sugaysaa Tottenham oo kulankeeda la ciyaaraysa Chelsea, taas oo haddii ay guuleysato yeelan doonta 42 dhibcood.

Chelsea 19 29 49
2 Liverpool 20 25 44
3 Man City 20 19 42
4 Arsenal 19 22 40
5 Tottenham 19 23 39
6 Man Utd 20 12 39
7 Everton 20 5 30
8 West Brom 20 4 29
9 Bournemouth 19 -5 24
10 Southampton 20 -6 24
11 Burnley 20 -9 23
12 Watford 19 -11 22
13 West Ham 20 -12 22
14 Leicester 20 -7 21
15 Stoke 19 -10 21
16 Middlesbrough 20 -5 19
17 Crystal Palace 19 -6 16
18 Sunderland 20 -18 15
19 Hull 20 -27 13
20 Swansea 19 -23 12