Southampton Oo Cunaha Qabatay Bournemouth Oo Firfirteedu Badatay

Goolashii ugu horreeyey ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League uu ka dhaliyo Jay Rodriguez tan iyo bishii August, ayaa ka caawiyey Southampton inay ku garaacdo kooxda ay iskuĀ  magaalada yihiin ee Bournemouth.

Labada kooxood ayaa goolal iska dhaliyey dedaalladoodii u horreeyey ee ay goolal ku raadsadaan, iyadoo Nathan Ake uu madax awood badan daba mariyey Cherries markii ay ciyaartu socotay lix daqiiqadood oo kaliya, ka hor intii aanu Ryan Bertrand aanu ku barbaraynin daqiiqado kooban kaddib. Qaybta hore ayaanay labada kooxood ku kala nasteen 1-1.

Qaybta dambe markii lagu soo noqday, Southampton oo marti ahayd ayaa beddel ku soo gelisay Steve Davis oo isbeddel weyn ku sameeyey ciyaarta, kana caawiyey Jay Rodriguez inuu ka dhaliyo Bournemouth laba gool oo uu ciyaarta kaga dhigay 1-3.

Southampton ayaa kor ugu kacday kaalinta toddobaad ee horyaalka, waxaanay saddex dhibcood ka sarraysaa Bournemouth oo fadhida kaalinta 10aad.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid Oo Ku Guuleystay Koobka Naadiyada Dunida

Sadio Mane Oo Diintiisa Lagu Weeraray

Sadio Mane Oo Islaamnimadiisa Iyo Siduu Ugu Dhaqmo Quruxdeeda – Gaaladii Ku Ammaantay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com