Qulqulkii Dhiigga Erik Skoglund Oo Dhulka Galay Iyo Callum Smith Oo Farxad La Caweeyey

Callum Smith ayaa dhulka ugu tuuray Erik Skoglund oo dhiiggiisu dhulka qulqulay, ciyaar feedhka miisaanka dhexe ahayd oo ka dhacday magaalada Liverpool oo uu kasoo jeedo Smith.

Ka hor intii aanu qulqulka dhiiggu istaagi waayin wareeggii shanaad, Erik waxa uu isku dayayay inuu is difaaco, hase yeeshee, markii uu sanka dhiiggu ka faruurmay ayuu garoonka ka baxay.

Ciyaartan oo ahayd taxanaha feedhka adduunka ee loo yaqaano Super Series oo maraya marxaladda quarter final, ayaa Callum Smith uu farxad la caweeyey markii isagoon dhibaato badan marin uu guusha hantiyey.

Smith oo 27 jir ah lagama badinin 23kii jeer ee ugu dambeeyey, waxaana uu kulamadiisii ugu dambeeyey ku badiyey 116-112, 117-110 iyo 117-111.

Waxa uu hadda Smith iska xaadiriyey wareegga semi finalka oo ku diyaarsan yihiin George Groves, Jamie Cox iyo Chris Eubank Jr, waxaana uu ciyaartiisa soo socota isku diyaarin doonaa 7 October, taas oo ka dhici doonta magaalada Stuttgart ee waddanka Germany.

Eubank Jr ayaa isaguna la ballansan Turk Avni Yildirim, halka uu Groves la halgami doono Cox.

Shabakadda ciyaaraha ee cadalool oo si toos ah u baahinaysay ciyaaraha, waxay ballan-qaadaysaa inay diyaar u tahay in ay kulamada soo socda ee feedhka iyo ciyaar walba oo toos ah ay baahin doono.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Callum Smith vs Erik Skoglund – Analaysis

Watch Callum Smith vs Erik Skoglund

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com