8:32 am - Saturday August 19, 2017

Isku-aadka Champions League Ee Marxaladda Isreeb-reebka Oo La Shaaciyey Iyo Celtic Oo Nasiibku Saaciday

Abdiwahab Ahmed

Isku aadka marxaladda isreeb-reebka ee tartanka Champions League ayaa la shaaciyey, waxaana kooxaha la iskugu beegay laba iyo laba si ay u buuxiyaan 32-ka kooxood ee sida rasmiga ah uga qayb-geli doona Champions League.

Celtic oo ku guuleysatay horyaalka Scotland iyo dhamaan koobabka kale ee laga ciyaaro dalkaas ayaa sugi doonta Linfield oo ka dhisan Woqooyiga Ireland iyo SP La Fiorita oo San Marino ka dhisan midkooda soo baxa, kulanka koowaadna waxay booqan doontaa garoonka kooxda ay sugayso.

Kooxda kale ee The New Saints ee ka dhisan Wales, ayaa waajihi doonta naadiga lagu magacaabo Europa oo ka dhisan Gibraltar.

Ciyaaraha isreeb-reebka ayaa kulanka koowaad la ciyaari doonaa 27-ka iyo 28-ka June, is-aragga labaadna July 4 ama 5 ayay kooxuhu is arki doonaan.

Naadiyada kasoo gudba labadaas ciyaarood, waxay geli doonaan wareeg kale, oo ay foodda dari doonaan kooxo sii sugaya, ciyaarahooduna waxay dhici doonaan 11/12 July iyo 18/19 July.

Isku-aadka kooxaha oo dhamaystiran:

Kooxaha wejiga koowaad

Vikingur (Faroe Isles) v Trepca ’89 (Kosovo)

Hibernians (Malta) v Tallinn (Estonia)

Alashkert (Armenia) v Santa Coloma (Andorra)

The New Saints v Europa (Gibraltar)

Linfield v SP La Fiorita (San Marino)

Isreeb-reebka wejiga labaad

Group 1

Apoel (Cyprus) v Dudelange (Luxembourg)

Zalgiris (Lithuania) v Ludogorets Razgrad (Bulgaria)

Qarabag (Azerbaijan) v Samtredia (Georgia)

Partizan (Serbia) v Budućnost Podgorica (Montenegro)

Hibernians (Malta) or FCI Tallinn (Estonia) v Salzburg (Austria)

Group 2

Sheriff (Moldova) v Kukes (Albania)

Astana (Kazakhstan) v Spartaks Jurmala (Latvia)

BATE Borisov (Belarus) v Alashkert (Armenia) or FC Santa Coloma (Andorra)

Zilina (Slovakia) v Copenhagen (Denamrk)

Hapoel Beer-Sheva (Israel) v Budapest Honvéd (Hungary)

Rijeka (Croatia) v The New Saints or Europa (Gibraltar)

Group 3

Malmo (Sweden) v Vardar (Macedonia)

Zrinjski (Bosnia and Herzegovina) v Maribor (Slovenia)

Dundalk (Ireland) v Rosenborg (Norway)

FH Hafnarfjördur (Iceland) v Víkingur (Faroe Islands) or Trepça ’89 (Kosovo)

Linfield or SP La Fiorita (San Marino) v Celtic

IFK Mariehamn (Finland) v Legia Warszawa (Poland)

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Florentino Perez Oo Afar Sannadood Oo Kale Loo Doortay Madaxweynaha Real Madrid

Rangers v Progrès Niederkorn, St Johnstone v Trakai – Isku Aadka Europa League Oo La Shaaciyey Iyo Wakhtiga La Ciyaarayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: