Celtic vs Motherwell: Labada Koxoodo ee Iskugu soo hadhay Scottish League Cup

Kooxda kubadda cagta Celtic ayaa wakhti dambe dhulka la dhacday naadiga Hibernian oo ay isku haleeleen ciyaarta semi-finalka koobka labaad ee laga ciyaaro Scotland ee Scottish League Cup.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Hibernian oo lagu naanayso ayaa waxa bilowgiiba furmay gool dhalinta oo ay labada naadi iska gaadhsiiyeen min laba gool, hase yeeshee qaybtii dambe ayay Celtic soo noolaatay, waxaanay dhalisay laba gool oo daran doorri ah, kuwaas oo kulanka ka dhigay 4-2.

Celtic ayaa sidaas ku xaqiijisatay inay u gudubtay ciyaarta finalka ee Scottish League Cup, taas oo ay isku haleeli doonaan Motherwell oo 2-0 ku xasuuqday Rangers Glasgow oo garoonkeeda joogta.

Labada ciyaaroob oo si toos ah looga daawanayay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool, ayaa kulanka finalka ay Celtic iyo Motherwell wada ciyaari doonaan 26 November.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Celtic Oo Garaacday Hibs, Finalkana La Ciyaari Doonta Motherwell

Huddersfield Oo Manchester United 65 sanadood markii koobaad ka badisay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com