Chelsea ayaa u awood sheegatay dhulkana la dhacday kooxda difaacanaysa horyaalnimada Premier League ee Leicester City, kuwaas oo ay ku xasuuqday geggida Stamford Bridge.

Naadiga lagu naanayso Blues waxay ciyaarta hogaanka u qabteen bilowgiiba, markii ay socotay 7 daqiiqo oo kaliya, markaas oo uu kubbad uu soo tuuray Nemanja Matic ay u gacan gashay Eden Hazard isna uu u geeyey Diego Costa kaas oo dhamaystiray.

Kubbad xanaaqad ahayd oo uu soo laagay David Luiz ayaa ka soo go’day birta goolka, ka hor intii aanu Pedro u taagin Hazard, oo isna ku guuleystay inuu daba mariyo goolwade Schmeichel.

Luiz wuxuu mar kale garaacay isla birta goolkiisa, ka hor intii aanu gool dhalinta soo af jarin Victor Moses kubbad ay dhiibo oo dhaqaaq isugu taa-taabteen laacibka bedelka ku soo galay ee Nathaniel Chalobah goolkii saddexaad.

Leicester, oo markii koobaad mudo 36 ciyaarood oo horyaalka ah kursiga kaydka kaga tagtay Riyad Mahrez , ayaa ku guuldaraysatay in loo calaamadiyo kubbad kaliya oo weerar ay qaaday ah, waxaana dhago barjeeyey xooganaanta kubbad ka dhufashada iyo deg-dega kubbad isu dhiibasho ee ay soo bandhigtay kooxda Chelsea.

Guuldaradani waxay dhigtay kooxda tabobare Claudio Ranieri inay siddeed dhibcood oo kaliya ka hellaan siddeedii kulan ee u horeeyey horyaalka – natiijadaas oo noqonaysa midii ugu hooseysay ee ay hesho koox horyaalka difaacanaysa, waxaanay kula midoobaysaa kooxda Chelsea oo ay sidan oo kale ku dhacday xili ciyaareedki ina dhaafay.