7:06 am - Sunday August 20, 2017

Liverpool Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhufatay Chelsea Iyo Damaashaadkii Klopp Ee Shiiqiyey Conte

Aidarous

Liverpool ayaa mar kale ku dhex damaashaadday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay 2-1 ku khaarajisay Chelsea.

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo labadan kooxood dhex martay, ayaa waxay ku dhamaatay damaashaad iyo farxad ay la hoydeen tababare Klopp iyo wiilashiisa, kuwaas oo dhinac walba kaga yimid ciyaartooyada ruug caddaaga u badan ee tababare Conte, guul cajiib ahna la carraabay.

Bilowgii ciyaarta, waxa dardar iyo kubbad isku dhiib ku bilowday Liverpool, waxaanay dhinac walba kubbado xawaare dheer lagu wado kaga keeneen ciyaartoyga Chelsea oo aad moodday inay hurdaan. Markii saacadda ciyaartu ay maraysay 17 ayuu difaacyahanka Lovren shabaqa Chelsea dhexdhigay goolka koowaad, kaddib markii uu kubbad meel fog uga soo tuuray xiddiga khadka dhexe ee Coutinho. Intii aanay qaybta hore dhamaanin, waxa uu garoonka Stamford Bridge ahaa goob ay ku dhex-tamashlaynayeen ciyaartoyga Liverpool oo xarfad iyo orod ku jaha-wareeriyey innamada cagta culus ee martida loo ahaa. Daqiiqaddii 36 ayey Liverpool mar kale damaashaadday markii uu xiddiga khadka dhexe ee Henderson, ahna kabtanka kooxdaasi uu gool aad u qurux badan oo uu meel fog ka toogtay ciyaarta kaga dhigay 2-0, waxaana lagu kala nastay iyadoo ay Chelsea madaxa xoqanayso, kubbadduna isugu hagaagi laadahay iyo Liverpool oo laba gool haysata.

Markii la isugu soo noqday qaybta dambe, jewigii ciyaartu wuu isbeddelay, waxa awood iyo ciyaar wanaag garoonka la soo galay ciyaartoyga Chelsea oo uu tababarahoodu farta u saaray meelaha ay ka liigayaan. Daqiiqaddii 62 ayuu weeraryahanka reer Spain ee Diego Costa u dhaliyey gool dib usoo nooleeyey rajada kooxdiisa, kaddib dedaallo badan oo ay sameeyeen iyo ciyaarta oo ay gacanta ku hayeen, way awoodi kari waayeen inay gool labaad helaan, halka Liverpool oo iska khasaarisay fursado kalena ay ciyaarta ku soo xidhay 2-1.

Liverpool iyo Chelsea waxay leeyihiin min 10 dhibcood oo ay ka heleen afar shan ciyaarood oo horyaalka ah oo ay ciyaareen.

Dhinaca kale, Klopp iyo Conte oo caan ku ah damaashaadka marka ay kooxdoodu gool dhaliso, ayaa waxa garoonka qabsaday Klopp oo labadii gool ee ay kooxdiisu dhalisayba si fiican ugu damaashaaday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Agaasime Dhabeeye: “Ciyaaraha Gobolada Yaan La Siyaasadeyn, Masuul Kasta Goboladu Ha U Sinnaado Inta Ciyaaruhu Socdaan”

Goolkii Uu Henderson Ka Dhaliyey Chelsea Oo Qabsaday Baraha Bulshada, Gerard Oo Hormood u ah Dadka Iyo Waxyaabaha Laga Calaamadiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: