8:58 am - Monday May 29, 2017

Mourinho Iyo United Oo Xasuuqii Ugu Xumaa Kula Kulantay Stamford Bridge Iyo Damaashaadkii Chelsea

Aidarous
Chelsea's Spanish midfielder Pedro (L) takes the ball around Manchester United's Spanish goalkeeper David de Gea on his way to scoring the opening goal of the English Premier League football match between Chelsea and Manchester United at Stamford Bridge in London on October 23, 2016. / AFP PHOTO / Glyn KIRK / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / GLYN KIRK/AFP/Getty Images

Bahdilaad iyo ceeb ayaa tabobare Jose Mourinho ka qabsatay markii koobaad ee uu dib ugu noqdo garoonka kooxdiisii hore ee Chelsea, halkaas oo Manchester United lagu dhex xasuuqay geggida Stamford Bridge.

Kooxda lagu naanayso ‘The Blues, ayaa shaqada markii labaad ka caydhisay Mourinho sanadii ina dhaafay, ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay kaliya 30 ilbidhiqsi markii ay socotay, markaas oo Pedro uu ka faa’iidaystay khalad difaac iyo ceeb difaac oo United soo bandhigtay.

chelsea-oo-dhirbaaxo-la-dhacday-man-united

Gary Cahill ayaa kii labaad u raaciyey, markii Man United u ogolaatay laagii koornaha ahaa ee uu soo ganay Eden Hazard inuu si fakaag ah cidlo kaga qaloociyo.

United ayaa la timid woxogaa calaamad dib u soo kabasho, laakiin dhirbaaxo kale qabsatay markii Hazard uu shabaqa ku ruxay kubbad uu ka weeraray meel 15 yard goolkooda u jirta.

N’Golo Kante ayaa la dhex qaaday isna difaaca aan jirin ee United habeenkan la deggay, kuna shubay goolkii afraad ee Chelsea ay kor ugu kacday hal dhibicna ugu jirsatay kooxda hogaanka u haysa horyaalka Premier League ee Manchester City.

Guushan quruxda badan ee naadi Blues u soo hoyatay waxay gayeysiisay inay kaalinta afraad kala baxaan Tottenham.

United waxay ku negaatay kaalinta todobaad ee kala saraynta, shan dhibcood ayaanay ka dambeysaa hogaanka xili rubuc kamid ah ciyaarihii horyaalka sanadkan la ciyaaray.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Middlesbrough Oo Soo Af-jartay Guulihii Arsenal Ee Horyaalka

prev-next.jpg

Liiska Gaaban Ee Ciyaaryahannada Ku Tartamaya Xiddiga Adduunka Oo La Shaaciyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com