Kabtanka naadiga Chelsea – John Terry ayaa kaadhka casaanka ah ciyaarta lagaga saaray markii u horeysay tan iyo bishii October, kulan kooxda hogaanka u haysa horyaalka Premier League ay der-dertay kooxda heerka koobaad ee Peterborough koobka FA Cup.

Naadiga The Blues ayaa sagaal bedel sameeyey ciyaartan wareega saddexaad ee koobka FA Cup ka, ciyaartana awood ku maamulayay.

Laakiin Pedro ayaa hogaanka u dhiibay ka hor intii aanu goolka labaad isla qaybtii hore ku darin Michy Batshuayi – waxaana goolka saddexaad saxeexay Willian.

Terry ayaa casaanka ku qaatay, markii uu dhulka dhigay ee legday Angol, gool madi ah ayaanu Tom Nicholls u keenay kooxdiisa ka hor intii aanu Pedro Chelsea goolka afraad ugu kordhinin.

Khaladka Terry galay wuxuu galaaftay gool ay la iman lahayd, Peterborough, laakiin Chelsea waxay ka sii qaaday uun dar dar, waxaanay kaga jawaabtay guuldaradii ay kala kulantay Tottenham, mashaqadii koobaad ee 11 ciyaarood oo dhamaan horyaalada ah.