Origi oo goolka saddexaad dhalinaya

Origi oo goolka saddexaad dhalinaya

Goolal ka kala yimid saddexda ciyaartoy ee Ragnar Klavan, Coutinho iyo Origi ayaa Liverpool ay ku muquunisay naadi-xaafadeedka yar ee Derby Count oo ay isku haleeleen ciyaar ka tirsan tartanka League cup wareegga Saddexaad.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka yar ee iPro Stadium, ayaa waxa Liverpool qaybtii horeba ay heshay hal gool oo ay la nasatay, qaybta dambena laba kale ayey raacisay, taas oo aakhirkiina ku dhamaatay 3-0.

Liverpool oo marti ahad ayaa heshay goolka koowaad daqiiqaddii 24aad, waxaana u saxeexay laacibka Ragnar Klavan, sidaas ayaanay labada kooxood ku dhamaysteen qaybta hore.

Qaybtii labaad markii la isugu soo noqday, wiilasha tababare Klopp waxay halkii ka sii wadeen bandhig ciyaareedka ay caanka ku noqdeen xili ciyaareedkan iyo guulaha joogtada ah ee ay goolasha ku derderaan kooxaha ka horyimaadda.

Coutinho oo gool qurux badan daba mariyey goolhayaha Derby Count

Coutinho oo gool qurux badan daba mariyey goolhayaha Derby Count

Kubbad si fiican looga soo shaqeeyey ayaa waxa diilinta goolka hortiisa ka helay daqiiqaddii 50aad xiddiga ree Brazil ee Philippe Coutinho oo si fudud ugu ruxay shabaqa Derby Count, afar daqiiqadood oo kaliya kaddibna waxa mid kale ugu saddexeeyey Divock Origi.

Liverpool waxay ka mid noqotay 16-ka kooxood ee tartankan isugu soo hadhay, waxana ay sugaysaa qori-tuur loo samayn doono kooxda ay ku hagaagi doonto.