Arsenal Oo Cashar U Dhigtay Everton

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dhulka la dhacday, dhibcanaha si fudud uga tirsatay Everton oo ay marti ugu ahayd garoonka Goodison Park ee magaalada Liverpool.

Ciyaartan oo si toos ah looga daawanayey shabakadda ciyaaraha ee Cadalool, ayaa waxa bilowgii dardar lasoo galay garoonka wiilasha Everton ee uu hormoodka u yahay Rooney oo kubbad awood badan ku hubsaday shabaqa Arsenal ee Petr Cech uu dhex-taagnaa, taas oo keentay in ciyaartooyada Arsenal ay u baahdaan inay dib-isu abaabulaan, si ay u jebin karaan dhexda birta ah ee uu tababare Ronald Koeman u diyaariyey inay iska caabbiyaan xiddigaha Arsenal.

Ronald Koeman oo la sheegay in kulanki ahaa kiisii ugu dambeeyey ee kooxda Everton oo la eryi doono, ayaa ay Arsenal u dhiibtay 5-2, waxaana goolasha Arsenal saxeexay Nacho Monreal, Ozil, Alexandre Lacazette, Ramsey iyo Sanchez, halka Everton ay labada gool u dhaliyeen Rooney iyo Baye Oumar Niasse.

Intii ay ciyaartu socotay, waxa Everton laga saaray laacibka khadka dhexe ee Idrissa Gana Gueye oo laba kaadh oo huruud ah ku baxay.

Arsenal ayaa kor ugu ruqaansatay kaalinta 5aad, waxaanay 16 dhibcood wadaagaan Chelsea oo dhinaca goolasha kaga horreysa, hase yeeshee, Everton ayaa xagga hoose ee casaanka ku jirta, waxaanay leedahay 8 dhibcood oo kali ah oo ay ka urursatay 9 ciyaarood.