Paulinho Oo La Baxsaday Barca Una Horseeday Guushii Afraad Oo Xidhiidh Ah

Laacibkii hore ee kooxda Tottenham khadka dhexe uga ciyaari jiray, Paulinho ayaa ka abaal celiyey lacagtii 40m euros ahayd ee ay ka soo bixisay Barcelona, waxaanu u saxeexay goolkii guusha ee ay kaga dul talaabsatay naadiga Getafe.

Barcelona ayaa lagaga naxsaday oo lagaga hor maray gool, kaas oo meesha ka saari gaadhay, rikoodhka ay hiigsanayso ee 100 % inaan dhinaceeda dhulka la dhigin xili ciyaareedka, waxaana ku guntaday xiddigaha bedelka ciyaarta ku soo galay ee Denis Suarez iyo Paulinho kuwaas oo ciyaarta ku soo gunaanaday guul 2-1 ah.

Kubadd uu ka dhex helay, xerada ganaaxa dhexdeeda, oo uu darbad layaableh shabaqa xaga sare kaga luxay lugtiisa bidix, ciyaaryahan Gaku Shibasaki ayaa ahayd goolka madiga ah ee ay hogaanka ku qabatay kooxda Getafe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.