kulamadii-caawa-ee-isreeb-reebka-koobka-aduunka-spain-1-1-italy

Talyaaniga Iyo Isbayn Oo Is Mari Waayay Iyo Dhamaan Kulamadii Isreeb reebka Koobka Aduunka 2018

italy-1-1-spain

Xulka qaranka Italy ayaa barbaro 1 – 1 ah ku qabtay qaranka Spain, ciyaar xiiso badan oo ku tirsanayd isreeb reebka koobka aduunka ee Russia 2018 ka, Group G – taas oo ka dhacday garoonka naadiga Juventus ee magaalada Turino.

Khalad uu sameeyey goolwade, Gianluigi Buffon ayaa u ogolaaday in ciyaaryahan Vitolo hogaanka ciyaarta ugu dhiibo xulka lagu naanayso La Roja 1-0, Laakiin Talyaaniga ayaa kaga jawaabay rigoodhe uu gool u bedelay Daniel De Rossi ciyaarta oo 10 daqiiqo oo kali ahi ka hadhsan tahay dhamaadkeeda.

Labada xul ayaa soo badiyey ciyaarihii furitaanka Group G ee ay soo yeesheen, laakiin barbar dhacani midkoodna u ogolaan waayay inuu hogaanka hormada qabto, waxaanay min 4 dhibcood ku fadhiyaan kaalinta labaad, halka xulka Albania oo 2-0 ku khaarajiyey qaranka Liechtenstein ay 6 dhibcood hogaanka ku hayaan.

Ciyarihii kale ee dhacayna waxay ku dhamaadeen sidan :

World Cup – UEFA Qualification:: group D

Austria 2 – 2 Wales
Ireland 1 – 0 Georgia
Moldova 0 – 3 Serbia

World Cup – UEFA Qualification:: group G

FYR Macedonia 1 – 2 Israel
Italy 1 – 1 Spain
Liechtenstein 0 – 2 Albania

World Cup – UEFA Qualification:: group I

Iceland 3 – 2 Finland
Kosovo 0 – 6 Croatia
Turkey 2 – 2 Ukraine

Group-yadana Sidan ayaa Hogaanka Loo kala Hayaa:

group-g group-d group-i