Ac Milan Oo Rigoodhayaal Juventus Kaga Qaaday Italian Super Cup

Kooxda – Ac Milan ayaa rigoodhayaal 4-3 ah kaga qaaday naadiga Juventus – Ciyaartii Finalka Italian Super Cup oo labada naadi ku dhex martay garoonka Jassim bin Hamad ee magaalada Doha.

Kadib markii ay isla dhaafi waayeen barbar dhac 1-1 ah, 90 kii daqiiqo iyo xataa 30 kii dheeraadka ahaa, ayaa sida sharcigu dhigayo Rigoodhayaal loo dhigay, wuxuu nasiibku ku saaciday in kooxda Milan ay kula huleesho guusha koobka qiimaha badan ee – 2016 Italian Super Cup.

Giorgio Chiellini ayaa Juventus u gacan galiyey Hogaanka ciyaarta daqiiqadii 18 aad, kadib markii uu madax ku xareeyey kubaddii koornaha ahayd ee uu soo laagay Miralem Pjanic.

Laakiin, Giacomo Bonaventura ayaa ka soo celiyey goolkaas, ciyaarta bar bar dhac 1-1 ah ku soo celiyey 20 daqiiqo kadib goolka Juve.

Labada kooxood ee waaweyn ee Juventus iyo AC Milan ayaa fooda isku daray ciyaarta finalka ee 2016 Italian Supercoppa TIM, oo ka dhacday sanadkii labaad garoonka naadiga Al Sadd ee Jassim bin Hamad – caasimada Doha, wadanka Qadar.

Sanad kasta, kooxda qaada horyaalka Serie A iyo naadiga ku guuleysta koobka Coppa Italia ayaa isku wajaha, finalka Super Cup ka Talyaaniga.

Sidaas oo ay tahay, Juventus ayaa sanadkii u dambeeyey 2015, labadaba isku darsatay, sidaas darteed, Milan oo ahayd kooxdii lagaga guuleystay Copa Italia ciyaartii Finalka ayaa xaq u yeelatay inay Finalka Super Cup ka u soo baxdo.

Magaalada Doha, isla garoonkan ay iska leedahay naadiga Sadd oo sida sanadkan oo kale, lagu ciyaaray ama marti galisay finalkii 2014 ka , ayaa mar kale labada kooxood ku kulmeen.

Bishan December, bisheedii, 2014, Juventus waxaa ciyaartii Finalka Super Cup kaga guuletstay Rigoodhayaal kooxda Napoli kadib markii ay 120 kii daqiiqo ee ciyaartu socotay isla dhaafi waayeen barbar dhac 2-2 ah, halka kii ka sii horeeyey oo la ciyaaray bishii August kooxda lagu naanayso Bianconeri ay kaga qaaday kooxda Lazio 2-0 ciyaar ku dhex martay magaalada Shanghai, ee wadanka Shiinaha.

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad: “Ma Ogola Diintu In Dumarku Kubadda Ciyaaraan…”

Sam Allardyce Oo La Wareegay Crystal Palace iyo Pardew Oo Daaqadda Laga tuuray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com