3:16 pm - Wednesday January 20, 4996

Casharkii Liverpool U Dhigtay Manchester City

865 Viewed Diiriye Ahmed 0 respond

Kooxda Manchester City ayaa dhadhamisay guuldaradii ugu horeysay ee Premier League ka soo gaadha intii xili ciyaareedkani socday, kadib markii si fool xun ay Liverpool u dhex jiid-jiiday geggida Anfield.

Kooxda dharka cas lihi saddex gool ayay ku dhalisay sideed daqiiqo gudohood qaybtii dambe ee ciyaarta waxaanay natiijada kaga dhigeen 4-1, markaas kadib ayay City madaxa la soo kacday oo ay dhalisay laba gool oo daran doori ah lix daqiiqo gudeheed dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda tabobare Jurgen Klopp – oo ciyaarayay kulankoodii koobaad tan iyo markii ay Philippe Coutinho ka siiyeen £142m naadiga Barcelona – ayaa ahaa kuwo u qalmay guusha, ay ku so oaf-jareen rajadii City ee ahayd inay sanadka ku qaadaan horyaalka guuldaro la’aan kadib17 ciyaarood oo aan dhinacooda dhulka la dhigin.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool Oo Anfield Dhex Jiid-jiiday Manchester City

Liverpool Oo Dhirbaaxo Fool-xun Ku Soo Af-jartay Rikoodhkii Guul-darro La’aanta City

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com