Liverpool Oo Ku Durdurisay Stoke, Kaalinta Labaadna Kala Baxday City

Liverpool ayaa yaraysay dhibcaha ay hoggaanka ku hayso Chelsea, kaddib markii ay 4-1 ku dhirbaaxay Stoke City oo kusoo booqatay Anfield.

Jon Walters  ayaa bilowgii ciyaarta gool kaga nixiyey Liverpool, hoggaankana ugu dhiibay Stoke City, laakiin Adam Lallana iyo Roberto Firmino ayaa laba gool oo ka daba keenay, ciyaartana kadhigay 2-1, ka hor intii aanu Giannelli Imbula iska dhalinin kubbad uu soo jebiyey Divock Origi.

Goolka afraad ayaa waxa nasiib u helay in uu dhaliyo Daniel Sturridge oo isla daqiiqaddii uu garoonka soo galay dhaliyey goolka, kaas oo noqday goolkii 100aad ee intii uu Klopp tababaraha u ahaa ay Liverpool dhaliso.

Liverpool ayaa waxay sannadka sii dhamaanaya ee 2016 ay dhalisay 86 gool, taas oo ka dhigan sannadkeedii ugu wanaagsanaa tan iyo xili ciyaareedkii 1985 oo goolal intan ka badan ay dhalisay.

Ciyaartogii ugu wanaagsanaa kulankaas  ayaa waxa loo doortay James Milner.