Kooxda la loodin la yahay ee Manchester City ayaa ka dhigtay guuleheeda siddeed, siddeedii ciyaarood ee u dambeeyey dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkan, kulan ay si fudud ugu khaarajiyeen kooxda Bournemouth garoonka Etihad Stadium.

387d11e200000578-0-image-a-1_1474123568332

Kevin de Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay kooxda horyaalka hor kacaysa kadib xanaaqad lagu galay Jack Wilshere oo uu laagii xorta ahaa ee la dhigay joog hoose kubbada ku duuliyey shabaqana dhex dhigay.

City ayaa ahayd kooxda gacanta sare leh ciyaartam kuna maamushay kubbada weeraro deg-deg ah kuwaas oo suurto galiyey inay goolasha u sii korhdiyaan xidigaha Kelechi Iheanacho iyo Raheem Sterling.

387cfc2b00000578-0-image-a-3_1474123578823

Ilkay Gundogan ayaa si fudud goolka afraad ugu saxeexay, laakiin City ayaa dhamaadkii ciyaarta kaadhka casaanka ah lagaga saaray ciyaaryahan Nolito.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa ay isku dhaceen laacibka Adam Smith, is riix riixidii ay labada ciyaaryahan is riixayeen, ayaa u muuqatay in Nolito madaxiisu ku dhacay ciyaaryahanka kale, garsoore Jon Moss oo kulanka dhex-dhexaadinayayna uma kaadin ee ciyaarta wuxuu ka diray laacibka baasha uga ciyaara City.

387d1a6300000578-0-image-a-9_1474123596252 387d7d6200000578-0-image-m-44_1474126624293 387d822000000578-0-image-a-35_1474126393851 387d8a9600000578-0-image-m-42_1474126429849