Middlesbrough Oo Wakhti Dambe Niyad-jebisay Manchester City

city-vs-boro

Gool wakhti dambe uu u dhaliyey Marten de Roon ayaa Middlesbrough u horseeday in ay barbar dhac la gasho Manchester City oo garoonkeeda joogtay, qaybtii horena gool uu hoggaanka ugu dhiibay Sergio Aguero.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Etihad Stadium ayaa waxa daqiiqaddii 43aad goolka la hormartay Manchester City, taas oo kubbad uu meel fog ka soo laagay De Bruyne uu shabaqa ku leexiyey Sergio Aguero, isku dayo badan oo ay sameeyeen ciyaartoyga tababare Pep na waxa ka diiday goolhaye Victor Valdes oo muujiyey in uu yahay halyey ay Barcelona ku khaldanayd in ay fasaxdo.

Middlesbrough oo kulankeedii hore barbar dhac goolal la’aan ah la gashay Arsenal, ayaa kulankanna ku dhamaysatay difaac, laakiin fursado muhiim ahna samaysay. Alvaro Negredo ayaa ku sigtay in uu goolka dhaliyo kaddib markii meel fog ka toogtay goolka City oo uu ka baxsanaa Claudio Bravo balse dirqi ku badbaadiyey.

Daqiiqaddii 91aad ee ciyaarta ayey natiijadu isbeddeshay markaas oo De Roon uu kooxdiisa Middlesbrough goolka barbar dhaca u dhaliyey markii uu madaxa la helay kubbad uu soo dhigay George Friend.

Ciyaartoygii labada kooxood u saftay

Man City: Bravo, Zabaleta, Stones, Kolarov, Clichy, Fernandinho, Gundogan, Jesus Navas, De Bruyne, Silva, Aguero.
Subs: Kompany, Nolito, Caballero, Sane, Maffeo, Iheanacho, Garcia.

Middlesbrough: Valdes, Barragan, Chambers, Gibson, Friend, Traore, de Roon, Clayton, Forshaw, Downing, Negredo.
Subs: Da Silva, Bernardo, Leadbitter, Fischer, Guzan, Stuani, Nugent.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaartooyo Ka Tirsan Gobolka HAWD Oo Laga Mamnuucay Ciyaaraha Gobollada Iyo Ganaax Lacageed Oo La Huwiyey Gobolka

Natiijada Group A – Xaysimo Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadhay Tartanka Goboladda Iyo Saaxil & Awdal Oo Soo Baxay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com