12:15 pm - Tuesday May 30, 2017

Man United Oo Xili Dambe Gurmad U Baahatay Si Ay U Khaarajiso Middlesbrough

Abdiwahab Ahmed

Anthony Martial iyo Paul Pogba ayaa dhaliyey laba gool xili dambe, kuwaas oo gurmad uga noqday Manchester United inay ku kala goyso kooxda Middlesbrough horyaalka Premier League.


Laacibka khadka dhexe – Grant Leadbitter ayaa Middlesbrough hogaanka u gacan galiyey, isagoo ku qabtay kubbad uu ka hellay Alvaro Negredo.

Wixii intaas ka dambeeyey, United waxay la wareegtay maamulka ciyaarta, xili dambe ayaanu Pogba goolkii barbar dhaca u soo celiyey, waxaanu ahaa Matial, kii u labeeyey ee guusha saxeexay 11 daqiiqo kadib goolka Pogba.

Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey laftiisu gool markii dambe sharcigu beeniyey kadib markii garsoore Lee Mason uu ku tilmaamay in weeraryahanka reer Sweden uu dacsad sare kubbada faraha kaga laagay goolwade Victor Valdes.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Chelsea Oo Tuntay Stoke Guushii 13 aad Oo Xidhiidh Ah

Leicester City Oo Madax Ku Macasalaamaysay West Ham United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com