Goolkii Mkhitaryan Oo Kala Saaray Man United Iyo Tottenham

Goolkii ugu horeeyey ee Henrikh Mkhitaryan uu ka dhaliyo horyaalka Premier League ayaa u horseeday Manchester United guul ay ku khaarajisay ama isaga reebtay kooxda ku hirdamaysay kaalinta afraad ee Tottenham.

United, oo wali lix dhibcood ka hoosaysa naadiga kaalinta afraad fadhida ee Manchester City, waxay hogaanka qabatay markii Mkhitaryan uu eryaday kubbaddii uu uga soo dhex dusiyey Ander Herrera, taas oo uu sida danabta ugu ruxay saqafka sare ee shabaqa.

Victor Wanyama ayay ahayd inuu goolka bareejaha ku dhaliyo kubadii madaxa ahayd ee uu ka rideeyey masaafada lixda yard goolka u jirta, In kasta oo naadigiisa martida ahaa ee Spurs abuureen fursado aad kooban oo aad looga gacan sareeyey.

Paul Pogba ayaa isna woxogaa raaxo ah dareensiiyey kooxda tabobare Jose Mourinho markii kubbad xor ah oo loo dhigay uu birta ka soo jaray, Laakiin United waxay sidaas ku so oaf jartay saddex ciyaarood oo bilaa guul ay ahayd horyaalka.

Ciyaartuna waxay ku dhamaatay niyad jab ku hab saday laacibkii guusha keenay ee Mkhitaryan,kaas oo bareele garoonka lagaga saaray 10 daqiiqo uun ka hor intii aanay dhamaan ciyaartan ka dhacaysay geggida Old Trafford.

Spurs waxay lumisay fursad ay kaalinta afraad kagala wareegi lahayd Manchester City, waxaanay ku negaatay kaalinta shanaad, saddex dhibcood ayaanay ka saraysaa United.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho Oo Diiday Inuu U Warramo Telefishanka Manchester United

Costa Oo Chelsea U Bedbaadiyey Guushii Sagaalaad Oo Xidhiidh Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com