11:53 pm - Monday May 29, 2017

Borussia Dortmund Oo Wacdaro Ku Dhigtay Real Madrid – Kaalinta 1 aad Ee Groupkana Ku Baxday

Abdiwahab Ahmed

Marco Reus gool uu ka dhaliyey daqiiqadii 88 aad ee ciyaarta, ayaa u samaaxay kooxda Borussia Dortmund inay barbar dhac la gasho naadiga Real Madrid, xaqiijisona inay kaalinta koobaad ee Group F ee horyaalka Champions League ku baxday.

Weeraryahanka xulka Faransiiska, Karim Benzema ayaa shabaqa dhex dhigay goolka Real Madrid ay hogaanka ciyaarta ku qabatay, kaas oo ku yimid madax uu ku leexiyey.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaase goolka ka soo dhiciyey, weerar degdeg ah oo uu qaaday u dhiibtay saaxiibkii Reus si uu u dhamaystiro, isaguna uma laba lugoodin ee waa ka dhabeeyey.

Goolkani Dortmund wuxuu sidoo kale ka dhigayaa rikoodhka naadigii goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka Champions League heerkiisa group yada, waxaanay tirada goolashoodu noqotay 21 gool.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
oliver-giroud_

Giroud wuu ku negaanayaa Arsenal – Wakiilkiisa

Tottenham oo bad-baadsatay booska Europa League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com