Roma Oo 1-0 Ku Garaacday AC Milan

Kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga ee Roma ayaa xaqiijisatay inay kali tahay kaalinta labaad ee horyaalka Serie A, kaddib markii ay u awood sheegatay AC Milan oo ay hirdamayeen.

Roma ayaa garoonkeeda Stadio Olimpico ku martigelisay AC Milan oo kaalinta labaad ee horyaalka ku jirtay, waxaanay dib ugu dirtay magaaladii ay ka timid ee Milan iyadoo ka qaadatay saddex dhibcood oo ka caawiyey inay afar dhibcood ka hooseeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Juventus.

Goolhayaha Roma, Wojciech Szczesny oo ay amah kaga soo qaadatay Arsenal ayaa qaybtii hore kooxdiisa ka badbaadiyey rikoodhe loo dhigay AC Milan oo uu si diciif ah u laagay M’Baye Niang.

Radja Naiggolan ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta kubbad u meel fog kaga liishaamay goolka kooxda AC Milan dhex dhigay shabaqa, kaas oo Roma ka caawiyey inay hesho guushii shanaad oo xidhiidh ah ee ay garoonkeeda ku gaadho, waxaanay leedahay 35 dhibcood oo ay ka urursatay 16 ciyaarood, Milan oo kaalinta saddexaad u degtayna waxay ka sarraysaasaddex dhibcood, hase yeeshee Juventus oo hoggaanka haysa ayey afar dhibcood ka dambaysaa.

Roma ayaa waxay Sabtida la ciyaari doonta Juventus oo raadinaysa inay markii lixaad ee isku xigta ku guuleysato horyaalka waddanka Talyaaniga.