5:46 pm - Sunday April 30, 2017

Liverpool Oo Guushu Ku Adkaatay

Aidarous

Liverpool ayaa marti u noqotay Southampton ciyaar ka tirsanayd ELF cup oo maraya semi-final, waxaanay ku kala baxeen 1-0 ay guushu ku raacday Southampton oo garoonkeeda joogtay.

Liverpool oo Sabtidii barbar dhac goolal la’aan ah la gashay koox heerka saddexaad ee Ingiriiska ah oo ay ku kulmeen tartanka FA Cup, ayaa la filayey inay jiidho Southampton maadaama ay cadho qabto, isla markaana ay dib u heshay Philippe Coutinho oo muddo u jiifay dhaawac, laakiin arrinta ayaa isbeddeshay, waxaanay dhaafi kari waayeen difaaca birta ah ee ka soo horjeeday iyo khadka dhexe oo awood lagu saaray.

Southampton oo lagu naanayso Saints ayaa qaybta horeba gool ku ruxday shabaqa goolka Liverpool, weeraryahanka Redmond, kaas oo dedaallo kale oo uu sameeyeyna uu dirqi ku badbaadiyey goolhaye Loris Karius, waxaanay aakhirkii ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Southampton.

Labada kooxood ayaa ciyaar labaad isku haleelaya garoonka Anfield 25-ka bishan January, kaas oo haddii ay Liverpool ku guuleysato 2-0 ama ka badan ay iska xaadirin doonto finalka EFL cup oo ayu badan tahay inay isku haleeli doonaan Manchester United oo iyaduna 2-0 kaga badisay Hull City, laakiin ciyaar labaad u hadhsan tahay.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Kelly Smith: Xiddigtii Haysatay Rikoodhka Gool Dhalinta Xulka England Oo Ciyaaraha Ka Fadhiisatay

Dib U Daawo: Barcelona Oo Ku Ciil Baxday Athletic Bilbao, Una Gudubtay Wareegga Afar dhamaadka Copa del Rey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com