3:03 pm - Friday August 23, 5771

Harry Kane Oo Saddexley Ugu Diray Tottenham Kaalinta Labaad, Kulan Dele Alli Xarfad Ku Dawakhiyey West Brom

Abdiwahab Ahmed

Saddex gool oo uu dhaliyey weeraryahanka Harry Kane ayaa uu kooxdiisa Tottenham ugu diray kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, kaddib ciyaar ay Spurs ku gacan sarraysay oo ay ku burburisay naadiga West Brom oo ka dhacday White Hart Lane.

Spurs ayaa barbaraysay riikoodhkii guulaha ee kooxdaas hore u dhigtay oo ahaa lix ciyaarood oo xidhiidh ah oo ugu buuxay kulanka ay 4-0 ku karbaasheen West Brom, taas oo 70% ay kubadda maamulaysay.

Kane oo ka gacan ka helaya kubbad sameeye Christian Eriksen ayaa shabaqa kubadda taabsiiyey qaybta hore, ka hor intii aanu Eriksen kubbad uu kaligii ka shaqaystay aanu u dhiibin Gareth McAuley oo ka tirsan West Brom oo isaguna goolkaas iska dhaliyey.

Weeraryahanka reer Ingiriis ee Harry Kane oo toddobaadkii hore noqday aabbo markii ay u dhalatay gabadh ayaa mar kale shabaqa ku shubay gool kale, markii uu kubbad karoos ah ka helay difaaca baasha midig ee Kyle Walker.

Harry Kane ayaa mar kale goolkiisa saddexaad daba mariyey goolhaye Ben Foster, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Tottenham.

 

Tottenham ayaa waxay kor ugu ruqaansatay kaalinta labaad, waxaanay yeelatay 45 dhibcood halka Arsenal oo kusoo xigta ay yeelatay 44.

Kaalinta Kooxda Kulamada Goolasha Dhibcaha
1 Chelsea 20 27 49
2 Tottenham 21 29 45
3 Arsenal 21 26 44
4 Liverpool 20 25 44

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Conte Oo Ganaaxay Diego Costa Oo Gacan U Qaaday Iyo Shaki Hor Leh Oo Soo Baxay

Arsenal Oo Madaxa Kaga Istaagtay Swansea Oo Sii Quusaysa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: