Kooxda Tottenham ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee guuldaro dhadhansiisa Manchester City tan iyo markii uu Pep Guardiola la wareegay City. Tottenham ayaa dhibaato wayn ku abuurtay Manchester City. Tottenham ayaana ku soo dubatay Garoonka White Hart Lane ee London ku yaala iyada oo 2-0 ugu soo awood sheegatay kooxda guuldaro la’aanta ku soo jirtay ee Manchester City.

Tottenham ayaa hadda ah kooxda kaliya ee aan illa haddda wax guuldaro ah ku arkin Premier League-ga inkasta oo hore ay barbaro u soo gaashay. Tottenham ayaa gusuhan ku gaadhay gool uu iska dhaliyay Aleksandar Kolarov  daqiiqadii 9’aad iyo goolka labaad oo uu raacsaday Dele Alli  kaas oo dhaliyey daqiiqadii 37’naad. Manchester City ayaana la iman wax gool ah, taas oo waliba daqiiqadii 65 naad goolhaye Bravo uu rekoodhe ka badbaadiyay  weerar yahanka  Tottenham ee Erik Lamela.

Manchester City ayaa wali ku sii jiri doonta kaalinta kowaad ee premier League-ga halka Tottenham ay booska kala baxday Liverpool oo kaalinta labaad ku sii jirtay kadib guushii Swansea City, waxaanay hada ku jirtaa kaalinta labaad ee Horyaalka.