10:13 am - Thursday June 29, 2017

Villarreal Oo Cashar U Dhigtay Atletico Madrid

Abdiwahab Ahmed

Atletico Madrid ayaa la kulantay guul-darro xanuun badan oo lama filaan ah, kaddib markii ay Villarreal oo ay marti u ahayd ku garaacday 3-0.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka El Matrigal ee Villarreal ayaa waxa qaybteeda horeba muujisay awood iyo inay ka kubbad wanaagsan tahay Atletico Madrid oo beryahan bustuhu ka qoyan yahay, waxaana daqiiqaddii 28aadba gool ku ruxay shabaqa Atletico laacibka Manuel Trigueros.

Atletico oo la gagabsan goolka lagaga horreeyey ayaa waxa toban daqiiqadood kaddib gool labaad u raaciyey Jonathan dos Santos, kaas oo niyadda ka jebiyey ciyaaryahannada xamaasadda badan ee tababare Simeone.

Qaybta hore, waxa Atletico ka dhaawacmay oo garoonka laga saaray goolhaye Oblak iyo Tiago oo qaab-ciyaareedkiisa oo liitay loo beddelay, waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Villarreal oo garoonkeeda joogtaa ay ku raaxaysanaysay.

Qaybta dambe markii la isugu soo noqday Atletico waxba may keenin, illaa ay Villarreal daqiiqaddii 93aad goolka saddexaad mar kale u damaashaaddo, kaas oo uu u dhaliyey  Soriano.

Villarreal ayaa waxay guushani ka caawisay inay kaalinta afraad ee horyaalka gasho iyadoo leh 26 dhibcood, balse goolasha kaga sarreysa kooxda Real Sociedad oo ay isku dhibco yihiin. Atletico waxay ku jirtaa kaalinta 6aad, waxaanay leedahay 25 dhibcood, waxaanay 12 dhibcood ka hoosaysaa naadiga hoggaanka haya ee Real Madrid.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Cristiano Ronaldo oo Markii 4 aad Ballon d-or Ku Guuleystay

Ronaldo Oo Ku Guuleystay Ballon d’Or 2016

Roma Oo 1-0 Ku Garaacday AC Milan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: