Aguero Oo Saddexley Ka Dhaliyey Ciyaar Man City Ku Xasuuqday Watford

Sergio Aguero ayaa saddex gool ka dhaliyey kooxdiisa Manchester City na hogaanka horyaalka u gacan galiyey kulan ay xasuuq ba’an ugu geysatay naadiga Watford.

Kooxda aan hore dhinaceeda dhulka loo dhigin ee Watford ayaa ka sareyn lahayd hogaanka horyaalka Premier League kooxda uu horjoogaha u yahay Tabobare Pep Guardiola haddii ay guusha iyadu hanan lahayd, laakiin taas waxaa beeniyey weerarka aan kala go’a lahayn ee City oo ay xiddigaha afka hore u jooga imika marayaan 15 gool inay ku dhaliyaan saddex ciyaarood.

Aguero ayaa madaxa ku xareeyey kubad laag xor ah oo uu soo ganay Kevin de Bruyne ka hor intii aanu afar daqiiqo oo kaliya kadib ku darin gool labaad, ciyaartana ka dhigin 2-0, kadib markii ay kubad si qurux badan uga soo shaqeeyeen una soo dhiseen Gabriel Jesus ugu dambeyna uu soo dhiibay David Silva.

Jesus ayaa goolka saddexaad raaciyey ka hor dhamaadkii qaybta koobaad, goolkiisii shanaad ee xili ciyaareedka – kadib markii uu cagta ku dhigay kubad uu dib dib ugu soo dhiibay Aguero, Walow difaaca Watford uga dareereen inay ahayd Offside.

Watford oo saddex ciyaarood ee ay horyaalka ku bilowday aan shabaqeeda gool la taabsiin, ayaa qaybtii dambena loogu sii daray saddex gool oo kale.

Nicolas Otamendi ayaa madaxa ku qabtay kubad koorne ahayd oo uu soo laagay David Silva ka hor intii aanu Aguero dhamaystirin saddex gooleydiisa.

Raheem Sterling ayaa soo gunaanaday gool dhalinta City, oo dhaliyey goolka u dmabeeya ee Lixaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.