10:09 am - Thursday June 29, 2017

Tottenham Oo Ku Ciidday Watford

Abdiwahab Ahmed

Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Tottenham ayaa sannadka cusub taageereyaasheeda kula ciidday guul ay ka soo hoysay Watfrod oo ay marti ugu noqotay garoonka Vicarage Road.

Harry Kane iyo Delle Alle ayaa min laba gool u dhaliyey Tottenham, taas oo ka dhigan in goolashii ugu badnaa ay shabaqa taabsiisay tan iyo bishii October.

Tottenham oo ciyaarta inteeda badan maamulaysay ayaa qaybta horeba sida daadka ugu yaacday Watford oo kala daadsanayd, waxaana ay goolka toogatay qaybta horeba 13 jeer, kuwaas oo mid ka mid ah uu birta ka jaray Delle Alli, ka hor intii aanu Kane si fudud ugu hubsanin shabaqa Watford kubbad uu ka helay Kieran Trippier.

Daqiiqado kaddib, Kane ayaa mar kale gool ku shubay shabaqa Watfrod isagoo ka faa’iidaystay kubbad labaad oo uu ka helay Kieran Trippier oo ahaa quudiyaha goolasha Tottenham, waxaana uu goolkaasi noqday kii 59aad ee 100 ciyaarood oo horyaalka Premier League uu ciyaaray, waxaana uu kala sinmay halyeygii Arsenal ee Thierry Henry.

Alli ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0, waxaanu raacsaday gool labaad, iyadoo dhamaadkiina uu Kaboul gool aan saxba tarayn ku samirsiiyey taageereyaasha garoonkooda joogay ee lagu tuntay, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 1-4.

Watfrod ayaa u daadegtay kaalinta 13aad, iyadoo toddobadii kulan ee ugu dambeeyey ay guuleysatay hal ciyaar oo kaliya.

 

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Guardiola Oo Ku Waaniyey City Inay Is Dejiyaan Kadib Guuldaradii Anfield

Arsenal Oo Kabaha La Dul-martay Palace Oo Wadata Sam Allardyce

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: