Manchester United ayaa u gudubtay wareegga Isreeb-reebka Europa League, kaddib markii ay garaacday Zorya Luhansk, kulan uu goolkiisii koowaad u dhaliyey Henrikh Mkhitaryan.

Manchester oo ciyaarta maamulkeeda gacanta ku haysay, ayaa si waxa wacdaro dhigay Wayne Rooney iyo Paul Pogba oo sabab u noqday in 76% ay Manchester gacanta ku hayso kubadda iyadoo waliba marti ah. Laakiin goolka ayaa ku adkaaday in ay dhaliyaan, illaa iyo intii Mkhitaryan oo ciyaartii saddexaad la siiyey fursad uu xarfad ku dawakhiyey difaaca, si fududna goolka koowaad ugu dhaliyey United.

Goolhaye Sergio Romero ayaa isaguna dedaallo badan sameeyey, kaddib markii uu badbaadiyey fursado badan oo ay heshay Zorya, ka hor intii aanu Zlatan Ibrahimovic ka dhigin ciyaarta 2-0.

Dhinaca kale, Fernerbahce oo hoggaaminaysa groupkan ayaa 1-0 ku muquunisay Feyenoord, waxaanay kusoo baxday kaalinta koowaad, halka United ay kaalinta labaad gashay.

Isiinta ayaa la samayn doonaa isku aadka Europa League iyo Champions League.