Liverpool Oo Ciqaabtay 10 Ciyaaryahan Oo Everton Ah

 

Ciyaartii ugu horeysay Jurgen Klopp ee ah darbiga Merseyside derby ayaa ku dhamaatay guul qurux badan oo ay Liverpool ku derdertay 10 ciyaaryahan oo Everton ah kuna gaadheen guushii saddexaad oo xidhiidh ah horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Divock Origi iyo Mamadou Sakho ayaa laba kubbadood madaxa ku dhaliyey qaybtii hore ee ciyaarta.

Everton ayaa weyday Ramiro Funes Mori kaas oo si axmaqnimo ah ugu xanaaqay ciyaaryahan Origi, dhaawacii soo gaadhay dartiina loogu bedelay oo ciyaarta loo sooo geliyey Daniel Sturridge.

Kadibna xidigii bedelka ku soo gallay ayaa goolkii saddexaad raaciyey ka hor intii aanu Philippe Coutinho goolka afraad ku soo xidhin habeenkan  damaashaadka Liverpool.

Daawasho Wanaagsan

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Barcelona Oo Jidkii Guusha Ku Soo Noqotay – Si Arxan Darro Ahna U Tuntay Deportivo

Daawo Goolasha: Real Madrid Oo Cashar U Dhigtay Villarreal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com