Manchester United Oo Dhibic Dirqi Ah Xoogsatay Daqiiqaddii U Dambeysay

Kulan ay ciddiyaha isula tageen West Ham United iyo Manchester United ayaa waxa ay labada kooxood dhibcaha ku wadaageen 1-1.

Gool uu bilowga qaybta labaad West Ham u dhaliyey laacibka Cheikhou Kouyate ayay Manchester United u halgamaysay in ay iska soo beddelo illaa daqiiqaddii 90aad ee dhamaadka ciyaarta, waxaanay u suurtogashay in ay goolka barbar dhaca hesho wakhti daayacihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray ama daqiiqaddii 91aad.

Manchester United ayaa farxad is hayn kari weyday, waxaanay bilowday damaashaad ay ku muujinayso in ay ku faraxsan tahay dhibicda ay heshay, laakiin dedaal kale oo ay sameeyeen West Ham ayaa waxa uu sababay in laacibka Luka Show loo taago kaadh cas, hase ahaatee waxay ciyaartu ku dhamaatay barbar dhac 1-1, iyadoo uu goolkana u saxeexay Blind.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barca Ma Ka Badbaadi Doontaa Guuldarrada Caanka Noqotay Ee Garoonka Bilbao?

Cristiano Ronaldo Oo Casuumad Sameeyey Heesana Ka Qaaday Wax Yar Kadib Guuldaradii Madrid Derby

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com