Mesut Ozil Oo Dardaarankii U Dambeeyey Siiyey Ciyaartooyada Arsenal

Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 15

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mesut Ozil ayaa u sheegay ciyaartooyada kooxdiisa in ay muujiyaan kalsooni ay naftooda ku qabaan, taas muhiim u ah kulanka Monaco ee Champions League.

Kooxda Arsenal ayaa lugtii hore ee Champions League ee ay la ciyaartay Monaco waxa lagu garaacay 1-3 ciyaar ka dhacday garoonka Fly Emirates, waxaanay taasi keentay in dhalleecayn loo jeediyo kooxda tababare Wenger.

Mesut Ozil ayaa aaminsan in ciyaartooyada Arsenal ay awood u leeyihiin in ay ka badiyaan Monaco oo ay u gudbaan wareegga Quarter Final-ka ee Champions League haddii ay u ciyaaraan si deggan oo isku kalsoon.

“Muhiim weeyaan in bilowga ciyaartaba aanu gool dhalinno, haddiise ay dhici weydo waa in aanu Samir yeelano oo aanu ciyaarta ku dagaallano illaa daqiiqadda u dambaysa.

“Waa ciyaar ay khasab nagu tahay in aanu badino oo aanu dhalinno saddex gool, difaacana aanu adkaysano. Haddii aanu u ciyaarno si wanaagsan, awood ayaanu u leenahay in aanu ka badino Monaco. Waxa aan aaminsanahay in aanu haysano fursad dhab ah oo aanu ku soo baxno” sidaas ayuu yidhi Ozil.

Arsenal ayaa marti u noqon doonta Monaco, waxaana laga doonayaa in ay ku badiso ugu yaraan 2-0.

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zlatan Ibrahimovic Oo Caayey Wadanka Faransiiska Iyo Colaadda Uu Kala Kulmi Karo

Af-lagaadadii Ibrahimovic Oo Cadho Weyn Ka Abuurtay France + Jawaabaha Wasiirada Iyo Gudiga Ciyaaraha

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com