8:57 am - Monday May 29, 2017

Liverpool : Anfield Inaan La Balaadhin Ayay U Badan Tahay

Aidarous

Waxaa la shaaciyey in la joojiyey qorshihii lagu damacsanaa ballaadhinta garoonka Anfield, kadib markii kooxda Liverpool ay ka baqatay caqabad kaga iman karta taageerayaashii ka gadooday qiimo korodhka lagu sameeyey tigidhada ciyaaraha, lacagta halkaas ka soo baxda ayaana la rabay in loo adeegsado ballaadhinta geggida.

Kumanaan taageerayaal cadhaysan ah ayaa bishii labaad ee sanadkan ka mudaaharaaday qorshe la doonayay in tigidhada kuraasta garoonka qaar lagaga dhigo 77 Gini oo lacagta Ingiriiska ah.

John Henry oo ah mulkiilaha Liverpool ayaa sheegay in arrinta Tigidhadu ay tahay xaalad ka taagan England ayna u muuqato in ay meesha ka saarayso sii ballaadhintii garoonka.

This Is Anfield - Oo Dhisme Ku Socdo

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa warkaas ku sheegay “niyad jab” waxayna sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in arrinta la kala caddeeyo.

Liverpool ayaa ballaadhisay garoonka iyada oo baaxaddiisa ka dhigtay 54,074.

Waxaa lagu kordhiyay 8,500 oo kursi, haddii wajiga labaad ee ballaadhinta la galena waxaa ku darsami doona 5,000 oo kursi oo dheeri ah.

Henry ayaase sheegay in aanu hubin in tallaabadaas labaad uu qaadi karo.

Xilli ciyaareedkii hore shirkadda Fenway Sports Group ee uu leeyahay Henry ayaa raali galisay taageerayaasha kana noqotay qorshe ay ka xanaaqeen oo lagu kordhinayay qiimaha tigidhada.

Qaar ka mid ah taageereyaasha ayaa garoonka isaga dareeray ciyaartii guriga Liverpool ka dhacaysay ee ay la lahaayeen Sunderland oo barbaro 2-2 ah ku dhamaatay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ibrahimovic Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyey United – Europa League

Zidane Oo Albaabada u Xidhay Ciyaartoygiisa, Fartana Ka Saaray Khaladaad iyo Digniino wada socda

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com