Liverpool: Digniin La Siiyey Sterling Iyo Ibe Kadib Shiishad Ay Cabbeen

 

Sterling iyo Jordon Ibe -

Khamiistii ayuu tababare Brendan Rodgers la kulmay Raheem Sterling iyo Jordon Ibe, waxaanu xasuusiyey masuuliyadda ka saaran illaalinta qawaaniinta iyo shuruucda kooxda, kuwaas oo ay khasab tahay in ay ciyaartooyadu ku dhaqmaan haddii kalena ay ciqaab mari doonaan.

Brendan Rodgers ayaa u sheegay labadan ciyaartoy in laga daayey ciqaab lagu soo rogi lahaa, laakiin ay ka waantoobaan in ay mar kale sameeyaan dhaqan xumadii ay ku kaceen ee ahayd in ay Shiishad cabbeen wakhti ay ku sugnaayeen meel Hotel ah, isla markaana sawirro laga qaaday lagu baahiyey warbaahinta.

Sterling ayaa dhalleecayn badan la saaray markii laga duubay muuqaallo daawasho ah (Video) isaga oo cabbaya gaasta Nitrous Oxide oo ah mid halis ah, iyadoo uu wehelinayey Jorden Ibe.

Sterling oo ay da’diisu tahay 20 jir iyo Ibe oo 19 jir ah, ayaa muuqaalladan laga duubay wakhti ay ku sugnaayeen maqaaxi laga cabbo bunka oo ku taalla magaalada London, laakiin falkan ayaa la sheegay in uu dhacay horraantii xili-ciyaareedkan.

Sterling iyo Jordon Ibe 1

Falkan ayaa ku soo beegmay wakhti uu Sterling diiday in uu heshiiska u cusbooneysiiyo kooxdiisa, isla markaana laysla dhex marayo in uu ka tegayo, ayna u dheg taagayaan kooxo badan oo Ingiriis ah oo ay ugu horreyso Arsenal.

Muuqaalladan ayaa la aaminsan yahay in laga duubay bishii September ee sannadkii tegay, waxaana ka muuqda labadan ciyaartoy oo qoslaya iyaga oo jiidaya Gaasta halista ah iyo shiishad.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Phil Jones, Carrick, Blind Iyo Rojo Oo Ka Maqnaanaya Kulanka Man United v Chelsea

Sirta Guulaha Chelsea Oo La Shaaciyey iyo U Diyaar-garowga Mananchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com