liverpool

Afar gool oo ay u kala dhaliyeen Emre Can, Dejan Lovren, Joel Matip iyo Roberto Firmino ayaa u saamaxay Liverpool in ay kaalinta ugu sarraysa ee hoggaanka la hayso Manchester City iyo Arsenal oo guulo aanay ku rafaadin ka gaadhay kulamadoodii toddobaadkan.

Kulan aad u adkaa oo gellinkii dambe ee Sabtidii ay u safartay Crystal Palace ayaa waxay kala soo noqotay guul iyo yididiilo ah in sannadkan ay noqonayaan libaaxyada la caleemo saaro dhamaadka xili ciyaareedka.

Tababare Jurgen Klopp oo markii ay ciyaartu dhamaatay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in 15-kii daqiiqo ee ugu horreeyey ciyaarta ay wax ka si’ ahaayeen kooxdiisa, laakiin markii dambe ay isla qabsadeen, sidii qorshuhu ahaana ay u bilaabeen samaynta fursada, loollanka iyo in aakhirkii ay raacday guul ay u qalmayeen.

Goolka koowaad ee laga dhaliyey ayuu tibaaxay in uu ahaa khalad ay sameeyeen difaaciisu, kuwaas oo bilowgii hore yara kala-daadsanaa.