Liverpool, Man City iyo PSG Oo Diyaarad Gaar Ah Kusoo Qaatay Ciyaartoygoodii Latin America Tegay, Halka Chelsea Iyo Arsenal ayKuwa Rakaabka Raaceen

Muhiimadda ciyaartoygoodu u leeyahay iyo kulamada ku soo fool leh awgood, saddexda kooxood ee Liverpool, PSG iyo Manchester City ayaa diyaarad gaar ah kusoo qaatay ciyaartoygooda ku sugnaa qaaradda Latin America ee waddamada Brazil iyo Argentina, kuwaas oo si is le’eg u qaybsaday £120,000 oo diyaaraddu ka qaadday duulimaadka gaarka ah.

Saddexdan kooxood ayaa ay durba ciyaartoygoodu ku sugan yihiin kooxahood, laakiin labada naadi ee kale ee Arsenal iyo Chelsea ayaa u sheegay ciyaaryahannadooda in ay isa soo dabbaraan, isla markaana ay diyaaradaha rakaabka soo raacaan, taas oo ku qaadan karta wakhti dheer iyo in ay suurtogal noqoto in ay u ciyaari kari waayaan kulamada Sabtida ee kooxahooda.

coutinho

Liverpool ayaa dabada ka riixaysay, isla markaana abaabushay kooxo kale oo la wadaaga diyaaradda ay ciyaaryahannadeeda Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino ku soo qaadayso, waxaana markiiba soo boodday Manchester City oo uu xulka Brazil kaga maqnaa Fernandinho oo magaalada Lima ee Peru kula sugnaa ciyaartoyga kale eedalkiisa ayaa la soo raacay diyaaradda, laakiin Willian oo ka tirsan Chelsea ayaa ay dhababarka u jeedisay kooxdiisu, waxaanay u sheegtay in duulimaadyo loo soo qorsheeyey uu soo raaco, kuwaas oo wakhti ahaan aad uga dambayn doona maalinta ay Liverpool iyo City helayaan ciyaartoygooda.

Chelsea oo Axadda la ciyaari doonto Middlesbrough ayaa isku qancisay in xattaa haddii uu ka maqnaado Willian in aanu muhiimad badan u lahayn, wakhtigiisana uu ku qaadan lahaa kursiga kaydka, taas daraadeedna aan loo baahnayn in lacag badan lagu bixiyo dib usoo celintiisa.

Manchester City ayaa kharash kale oo diyaaradeed oo gaar u ah ku gelaysa ciyaaryahannada reer Argentine ee Sergio Aguero, Nicolas Otamendi iyo Pablo Zbaleta oo xulka qaranka Argentina u ciyaaray, waxaana diyaarad gaar ah ay ka soo qaadday magaalada San Juan ee waddanka Colombia, taas oo si toos ah ugu duulisay Manchester.

aguero

Waddanka Ingiriiska ee kooxahan ciyaartoygoodu maqan yihiin ka dhisan yihiin, iyo qaaradda Latin America ee ciyaartoygan laga soo qaadayaa waxay isku jiraan masaafo lagu qiyaasay inay ka badan tahay 6,000 mile. Caasimadda Peru ee Lima iyo waddanka UK, waxay isku jiraan 6,250 Mile, taas oo ka dhigan in haddii ciyaartoyga loo ogolaado diyaarado aan toos ugu soo duulaynin Manchester iyo Liverpool, in wakhti badan ka lumayo, ayna u dheer tahay daal iyo war-wareeg diyaaradeed.

Arsenal oo iyadana ay ka maqan yihiin Alexis Sanchez iyo goolhaye Ospina ayaa diiday inay diyaarad gaar ah u dirto, waxaanay dabada-qabsanayaan diyaaradaha rakaabka, kuwaas oo wakhti dambe geyn doona London.

Safarkii Xiddigaha Premier League

Fogaanshaha safarka:

Ciyaaryahannada reer Brazil ee Man City & Liverpool – 14,895 miles

Xiddigaha reer Brazil ee Chelsea – 16,200 miles

Raacay diyaarad gaar ah

Philippe Coutinho (Brazil & Liverpool)

Roberto Firmino (Brazil & Liverpool)

Fernandinho (Brazil & Man City)

Sergio Aguero (Argentina & Man City)

Nicolas Otamendi (Argentina & Man City)

Pablo Zabaleta (Argentina & Man City)

Raacay diyaarad rakaab

Willian (Brazil & Chelsea)

Alexis Sanchez (Chile & Arsenal)

David Ospina (Colombia & Arsenal)

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rooney Oo Noqday Sakhraan Weyn

Daawo: “Wasiirka Ciyaaruhu Wuxuu Diiday Tartan Lagu Xusayey Marxuum Cigaal, Wuxuu Diidan Yahay Somaliland”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com