Liverpool ayaa gaashaanka ku dhufatay warar ku xidhiidhiyey inay iibsanayso laacibka Arsenal ee Alex Oxlade-Chamberlain bisha January.

Laacibka xulka qaranka England ee Chamberlain ayaan la dhacsanayn wakhtiga kooban iyo kaydka uu cimrigiisa ku qaatay ee Arsenal, waxaana soo baxayey maalmihii u dambeeyey warar sheegayay in uu ka tegayo oo uu ku sii jeedo Liverpool oo tababaraheeda Klopp uu doonayo in uu ninkan orodka badan ku kodhiyo ciyaartoygiisa madaaleyaasha ah ee orodka ku dawakhiya kooxaha ka soo horjeeda.

Warkan oo taageereyaasha Arsenal aanay ku farxin ayaa waxa kale oo uu tibaaxay in Klopp aanu doonaynin in uu ciyaartoygan iibsado bisha January, iyadoo sidoo kalena aanay kooxdiisa Arsenal doonaynin in ay u ogolaato in uu ka tago oo uu ku biro mid ka mid ah afarta kooxoo ee kaalmaha hore ee horyaalka Premier League ay ku tartamayaan ee Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United.

Heshiiska uu Oxlade-Chamberlain kula jiro Arsenal ayaa waxa uu dhacayaa 18 bilood kaddib, waxaana wakhtigaas kaddib uu xor u ahaan doonaa inuu ku biiro kooxda uu doonayo, haddii aan inta ka horreysa la iibinin ama heshiis cusub aanu u saxeexin kooxdiisa.

Tababare Klopp ayaa la aaminsan yahay in wakhtigan aanay ku habboonayn in Liverpool ay iibsato Chamberlain, taas beddelkeedana waxa uu isha ku hayaa laacibka kooxda Spartak Moscow weerarka uga ciyaara ee Quincy Promes oo uu doonayo in uu buuxiyo booska uu bannaynayo Sadio Mane oo u safraya qaaradda Afrika oo uu waddankiisa Senegal kala qayb-geli doono tartanka Qaramada Afrika (AFCON).