5:36 pm - Thursday July 27, 2017

Liverpool Oo Calashatay City Kuna Dhawaatay Hanashada Horyaalka Ingiriiska

Aidarous

Kooxda Dharka cas ee Liberpool ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda City oo ay isku halleeleen Ciyaar la isku xuub siibtay galabta, taas oo Liverpool guushu ku raacday 3 gool  iyo 2.

Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii  kubad qurux badan uu shabaqa dhigay laacibka da’da yar ee Raheem Sterling daqiiqadii 6 aad, waxaana 20 daqiiqo kadib u labeeyey oo arinta ku sii xumeeyey City  difaaca kooxda ee Martin Skrtel., qaybtii hore ee ciyaartana sidaas ayaa lagu kala nastay 2-0 ay hogaanka ku haysto Liver.

Laakiin Man City oo aad moodaysay in la soo canaantay ayaa dib u soo rogaal celisay iskana soo baday labadii gool  ee laga sareeyey ciyaartana ku soo celisay barbardhac 2-2 ah kadib goolal uu ka shaqeeyey Silva oo midna magaciisa lagu qoray midna noqday gool ay iska dhalisay Liverpool.

Daqiiqadii 78 aad ayay guushu marti u noqotay Liverpool kadib markii uu gool u saxeexay xidigeeda Philippe Coutinho, guud ahaana ciyaarta waxa xoog weynaa City, gaar ahaan qaybtii dambe ee ciyaarta ,  Liverna waxaa daqiiqadihii u dambeeyey kaadhka cas loo taagay Jordan Henderson.

Liverpool ayay guushani u tahay mid muhiim ah maadaama ay hogaanka ku qabanayso dhibco 77 dhibcood iyo 34 ciyaarood , halka Chelsea oo 33 citaartay ka leedahay 72 dhibcood City oo 72 dhibcood lihina ciyaartay 32 ciyaarood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool VS Manchester City, kulan lagu kala ogaan doono cida noqoneysa horyaalka Ingiriiska

Gerrard Oo ilmaynaya :- Waligay Ima Soo Marin 90 Daqiiqo oo Ka Badan Kan Ciyaarta City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: