Liverpool Oo Dardartii Kordhisay Cardiff-na Ku Jiidhay 6 Gool

LiverpoolHaddii dedaalku sidaas usii socdo , Liverpoolna sanadkan hantido horyaalka, waxaan shaki ku jirin in Luis Suarez loo nisbayn doono guushaasi.

Weeraryahankan reer Uruguay, ayaa saddex gool oo is raac ah markii  saddexaad ka dhalliyey horyaalka Ingiriiska ee Priemier League, kadib markii maanta Liverpool 3-6 ku jiidhay kooxda Cardiff City oo gurigeeda marti loogu ahaa.

Suarez ayaa goolashan saddexda ah ee uu Cardiff City ka dhalliyey ka dhigeen inuu jabiyey Rikoodhkii uu hore naadiga ugu xidhay weeraryahan Robbie Fowler ee ahaa 28 ka gool hal xili ciyaareed, wakhti horyaalka ay ka hadhsan yihiin 8 ciyaarood, isagoo xataa seegay 5 tii kulan ee bilowga horyaalka Ganaax darteed.

Ciyaaryahanka ku xiga ee Naadiga oo ah Daniel Sturidge ayaa ka dambeeya 9 gool , isagoo leh 19 gool.

Kooxda dharcasta ee Liverpool ayaa horyaalka kaga jirta kaalinta 2 aad , waxaanay ciyaartay 30 kulan.