11:31 pm - Thursday July 27, 2017

Liverpool Oo Gacanta Ku Dhigaysa Joe Hart

Abdiwahab Ahmed

Joe Hart ayaa samaynaya kala-wareeg kooxood oo cajiib ah, kaddib markii uu ku soo baxay liiska ciyaaryahannada ay doonayso Liverpool inay isku xoojiso marka uu suuqa iibka ciyaaruhu furmo xagaaga.

Goolhaye Joe Hart oo amaah kaga maqan Manchester City ayaa u ciyaara Torino oo ka dhisan waddanka Talyaaniga, waxaana jira dedaallo ay kooxda uu wakhtigan u ciyaaro ku doonayso in heshiiska amaahda ah loo beddelo rasmi, si uu wakhti dheer ula sii joogo. Laakiin Liverpool oo la socotay horumarka ciyaareed ee uu sameeyey tan iyo markii uu u guuray waddanka Talyaaniga xagaagii tegay, ayaa waxay goolhayahan 29 jirka ah doonaysaa in uu xagaaga soo socda xidho funaanadda casaanka ah.

Hart oo ah goolhayaha koowaad ee xulka qaranka England, ayaa waxa qaab-ciyaareedka uu ku soo bandhigay waddanka Talyaanigu waxa uu soo jiitay kooxo badan oo isugu jira Talyaani iyo Ingiriis, laakiin isaga ayaa xiisaynaya in uu dib ugu laabto waddankiisa Ingiriiska oo uu u ciyaaro koox aan Manchester City ahayn, maadaama uu tababare Guardiola hore u muujiyey in aanu doonaynin, diyaarna ay u yihiin inay iibiyaan.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa lambarka koowaad ee kooxdiisa dib ugu celiyey Simon Mignolet kaddib qaab-ciyaareed liita oo uu muujiyey Loris Karius, laakiin mar walba waxa uu difaacaa labadiisa goolhaye, taasina waxay muujinaysaa in bisha January aanu diyaar u ahayn inuu goolhaye iibsado, balse bisha June ay qorshaha ugu jirto.

Liverpool waxa kale oo si weyn loola xidhiidhinayaa goolhayaha kooxda Sunderland ee Jordan Pickford oo ciyaaro cajiib ah soo bandhigay.

Joe Hart ayaa toddobaadkii mushahar u qaata £120,000, waxaana uu City kula jiraa heshiis soconaya illaa sannadka 2019, laakiin amaahda ay ku dirtay ayaa wax kasta beddeli karaysa.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Hercules_

Barcelona Oo Sida Daadka Ku Fatahday Hercules

Khaladaad Dhisme Oo Laga Helay Garoonka Ay Dhisatay Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: