Liverpool oo Maca-salaamaynaysa Lucas Oo Kusii Jeeda Inter Milan

Kooxda kubadda cagta waddanka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa xiisaynaysa inay hesho Lucas Leiva oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool.

Ma jiro heshiis illaa hadda ay labada dhinac wada gaadheen, laakiin wada hadal ayaa kooxaha iyo ciyaartoyga u bilaabmi doona 8 January.

Inter Milan ma doonayso inay heshiis rasmi ah la gasho Lucas oo ay da’diisu tahay 29 jir una dhashay waddanka Brazil, hase yeeshee waxay rabtaa in Liverpool ay ogolaato inay amaah ku siiso.

Lucas waa ciyaartoyga ugu wakhtiga dheer ciyaartooyada Liverpool ku sugan wakhtigan, waxaana uu ku soo biiray sannadkii 2007 oo ay Liverpool kasoo iibsatay naadiga reer Brazil ee Gremio.

Xulka qarankiisa Brazil waxa uu u ciyaaray 24 kulan, halka uu naadiga Liverpool shaadhkeeda xidhay 324 ciyaarood.