Liverpool Oo Wada-hadallo La Furtay Stoke City Oo Ay Ka Doonayso Xherdan Shaqiri

Kooxaha kubadda cagta Liverpool iyo Stoke City ayaa bilaabay wada xaajood ay ku kala iibsanayaan laacibka reer Switzerland eee Xherdan Shaqiri.

Tababare Jurgen Klopp oo doonaya inuu dardar geliyo kooxdiisa Liveprool ayaa diyaar la ah inay bixiso  £13 million oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa, taas oo ku khasbaysa Stoke inay iibiso ciyaartoygeedan oo aanay xejisan karaynin maadaama oo ay hoos ugu daadageen heerka labaad.

Liveprool oo hore usoo iibsatay laacibka difaaca iyo dhexdaba ka ciyaara ee Fabinho oo ay Monaco kaga soo qaadatay 43.5 milyan Gini ayaa u aragta Shaqiri inuu yahay ciyaartoy ay u baahan tahay oo ka caawin kara in xili ciyaareedka soo socda ay ku dagaallamaan horyaalka Premier League.

Shaqiri oo sannnadkii 2015 ay Stoke City kaga soo qaadatay 12 milyan oo Gini Inter Milan, ayaa waxa uu dhowaan sheegay inuu mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhi doono marka uu dhamaado Koobka Adduunka, hase yeeshee iyadoo marka horeba uu kasii warqabay inay Liverpool xiisaynayso ayaa waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay labada kooxood ka heshiiyaan.

Haddii Reds ay ku guuleysato saxeexa Shaqiri, waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii saddexaad ee xagaagan kusoo biira, waxaana ka horreeyey Naby Keita oo uga soo wareegay RB Lepzing iyo Fabinho.